Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wafdi uu horkacayo oo gaaray Caasimadda Dalka Tanzania ee Daaru-salaam: SAWIRRO

0
164

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzania oo ay kaga qayb-galayaan shir-madaxeedka horumarinta karaanka aadanaha ee Afrika.

Shir-madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabba-gelinta awoodda dadweynaha oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qayb-qaataan horumarka Qaaradda hiigsaneyso taas oo mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah: wasiirka waxbrashada iyo tacliinta sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here