Guddoomiye Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka: SAWIRRO

0
392

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay u qaabilsanaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adsa Caafimaadka Aduunka (WHO), Dr. Malik Mamur.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa looga hadlay xoojinta iyo wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banadir iyo Hey’adda WHO.

Ugu danbeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa Hey’adda WHO uga mahad-celiayay taageerada iyo garab-istaagga ay la garab joogaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here