Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta amba-bixiyay dhibane Macallin Cali Maxamed oo ah aabbe Soomaaliyeed oo muddo 15-sano ku dhaw la xanuunsan nabar ka haleelay lugta bidix, kaas oo sababay in uu gabay socodkii.
Guddoomiye Madaale oo horey u kafaala qaaday xaalada caafimaad ee dbibanahan Soomaaliyeed ayaa maanta u sagootiyay dalka Turkiga oo lagula tacaali doono nabarka ka haleelay lugtiisa bidix oo uu muddo fog la il-darnaa, maadaama uu awoodi waayay qarashaadka ku baxaya daweynta xaaladiisa.
Ugu dbwyn, Dhibbane Macallin Cali ayaa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) sida naxariista leh oo uu uga damqaday xaaladiisa caafimaad.















