Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku metela Galmudug, si loo dardar-geliyo abaabulka halwgalka billowday ee dhammeystirka wejiga 1-aad ee xoreynta dalka.
Kulammadaas muhiimka ah waxaa ka qayb-galay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, waxaana madaxweynuhu uu kala hadlay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay sidii ay uga qayb-qaadan lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dowlad-goboleedka Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.
Ugu dambeyn, Kulanka maanta magaalada Dhuusomareeb ku dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo waxgaradka Galmudug iyadoo ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaannada maamulkaas ay Khawaarijta ka qabsadeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah goobaha ay muddada dheer Kooxaha Khawaarijta ahi ku dhibaateynayeen shacabka.




























