Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka ambabixiyay Muqdisho cutubyo ciidan loo diyaariyay inay ku biiraan dagaallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.
Ciidamada Guddoomiye Madaale u diray furumaha ayaa waxaa hoggaaminaya qaar guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ka mid ah, iyaga oo furimaha dagaalka kula midoobi doonna ciidamada Xooga Dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale ayaa cutubyadan kula dardaarmay inay qayb ka noqdaan sifeynta Khawaarijta, waxa uuna xusay in maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka caasimadda ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.















