Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay ergayga gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana kulankan goobjoog ka ahaa guddomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo xoghaayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaallada kor loogu qaadayo wadahadalada Somalia iyo Soomaliland, isla markaana uu maamulka Gobolka Banaadir diyaar u yahay garab-istaagga tallaabo kasta oo wadahadaladaas qayb ka ah.
Ugu dambeyn, Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan wadahadalada Somalia iyo Soomaliland Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Madaale garab-istaaga uu u muujiyay tallaabooyinka socda ee looga mira dhalinayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha Soomaaliyeed ee reer Soomaliland.














