Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxweynaha dib loo doortay Puntland iyo madaxda kale.
Xafladda oo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; ra’iisul wasaare ku xigeenka XF Somalia, madaxweynayaasha maamul-goballada Galmudug, Hirshabelele iyo Koonfur-galbeed, sidoo kale waxaa joogay ra’iisul wasaarayaal hore, marti-sharaf ka ka socday dalalka dariska ah iyo qaar ka mid ha wakiillada beesha caalamka.
Madaxda munaasabadda ka qayb-gashay munaasabadda ayaa hambalyo ayaa u dirtay madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo kula taliyey in ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameystirka dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sheegay in aan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.
“Soomaalida waxaan rabaa in aan u sheego dastuurka waqti uma dhinna. Dastuurka gudaha Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa, dibadda loo qaadi maayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacana lagu dhameystiri doona dastuurka oo uu qorshihiisa dhameystirku socday muddo ka badan 10-sano, iyadoo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dastuurka dhameystiraan.
Ugu dambeyn, Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli fadhi wadjir ah oo ay Arbacadii yeesheen xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka ku meel-mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka dalka.













