SAWIRRO: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku tagay booqasho Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka

0
252

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka, mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Duqa Muqdisho ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha hay’adda maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhammaan madaxda kale ee hay’adda, waxaana guddoomiye Madaale looga warbixiyey cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu ka da’o roob xooggan oo ka badan roobkii la sugayey taas oo ay ka dhalan karaan fatahaado iyo daadadka El-Niño.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay feejignadaan, taxadar dheeri ahna ka muujiyaan roobkan oo aad u xoog badan, kana xajmi badan kuwii hore, lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here