Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyo ku aaddan in Soomaaliya laga qaaday cuna-qbateynta hubka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda ugu sarreysa dalka, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in guushaan taariikhiga ah la gaaro.
“Ku dhawaad 31 sano kaddib in Somalia laga qaado cuna-qbateynta hubka waa tallaabo horey loo qaaday oo ka mid ah dowlad-dhiska Somalia, guushan waxa ay wax weyn ka taraysa xasilloonida, nabadda dalka iyo in ciidamada qalabka sida ee Somalia ay helaan qalabeyn xoogan si ay kaga guuleystaan kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Duqa Muqdisho, mudane Madaale ayaa madaxweynaha JFS iyo xukuumadda Dan-Qaran ku amaanay guulaha is-daba-joogga ah oo ay usoo hoyeen Qaranka Somalia, isla markaana weli ay dadaal ugu jiraan sidii guulo kale loo gaari lahaa si loo xaqiijiyo ujeeddooyi ka dowlad-dhiska Soomaaliya.













