Duqa Muqdisho oo Daah-furay Madasha Doonista Maqaamka Muqdisho iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah: SAWIRRO + VIDEO

0
24

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay madasha wadahadalka siyaasadda ee doonista maqaamka iyo metelaadda Muqdisho iyo doorka muwaadinka ee doorasho toos ah.

Madashan oo ay ka soo qayb-galeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, madaxda maamullada degmooyinka, odayaasha-dhaqanka, aqoonyahanka, haweenka, dhallinyarada, dadka baahiyaha gaarka ag qaba iyo ururrada bulshada rayidka ayaa waxa ay socon doonntaa muddo labo maalmood ah, iyada oo looga hadlayo rabitaanka shacabka ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidii loo heli lahaa maqaamka iyo metelaadda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bulshada u soo jeediyay bandhigyo ku aaddan saddexda doorasho ee xulashada maqaamka Muqdisho iyo hannaanka hindise sharciyeedka xeerka doorashooyinka dalka ee horyaalla baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sida ay talooyin ugu biirin karaan shacabka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Maalinta barri ah ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo madashan, isla markaana lasoo bandhigo talooyinka bulshada caasimadda ee ku aaddan xeerka doorashooyinka iyo hannaanka xulashada maqaamka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here