Duqa Muqdisho oo Bogaadiyay Qorshaha Tayeynta iyo Ilaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga: SAWIRRO

0
204

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫, ayaa ka qaybgalay munaasabadda bandhiga geeddi-socodka tayeynta iyo illaalinta sumcadda baasaboorka Soomaaliga, isagoo hogaanka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada ku amaanay sida ay u tayeeyeen baasaboorka Soomaaliga.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo baasaboorka Soomaaliga, waxa uuna xusay in baasaboorka Soomaaliga tayadiisa ay u taallo dadka Soomaaliyeed, haddii taas laga shaqeyn waayana ay ku soo laabanayso dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hoggaanka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya hadda uu madax ka yahay qof aqoon u leh, isla markaana u baahan in lala shaqeeyo si loogu miro-dhaliyo tayeynta iyo illaalinta sumcadda baasaboorka Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here