MADAXWEYNE XASAN: Sanadkan inta ka hartay waxaa noo qorsheysan in aan wax ka Qabano Shan Qodob oo muhiim ah

0
493

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisu wax ka qabanayso shan qodob oo muhiim ah, kuwaas oo uu xusay in lagu qaban doono bilaha ka harsan sanadkan 2023-ka.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan ka sheegay kulan-dadweyne oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, isaga oo xusay in markaas kaddib ay u jiheysan doonto dowladda wax ka qabashada arrimo kale oo uusan sheegin.

“Qodobbada aan wax ka qaban doonno inta ka harsan sanadkan, waxa ay kala yihiin; kow in dalka laga xoreeyo Khawaaijta oo ay noqdaan kuwo aan wax dhibaato ah ka geysan karin gudaha dalka. Qodobka 2-aad in dastuurka 11-ka aano KMG ah aan dhameystiro, taasna waa mid innaga nagu xiran, waana in aan qodob-qodob ugu heshiinno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku daray hadalkiisa; “Qodobka 3-aad ee aan doonayno inaan wax ka qabanno, waa in dalkeenna laga qaado cunno-qabateynta hubka ee saaran oo ah taariikhiyan middii ugu dheerayd ee QM ay saarto waddan ka mid ah kuwa caalamka. Sababta intaas oo dhan ay noo saaran tahayna waa in laga baqay in aan adduunka halis gelinno, waayo in hub dowladdu leedahay meel walba laga helo ma noqonayso mid nalooga qadi karo cuna-qabateyntan.”

Qodobka 4-aad ee la doonayo in wax laga qabto ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in ay yahay dayn-cafinta, isagoo xusay inay sameeyeen hay’adihii looga baahnaa, isla markaana ay billaabeen inay musuqa la dagaallamaan, taasoo uu sheegay inay ka tahay qayb sidii naloo aamini lahaa, isla markaana dhaqaalaha caalamka inooga yimaada loo gaarsiin lahaa shacabka loo soo dhiibay si wax loogu qabo.

“Qodobka 5-aad ee aan doonayno inaynu wax ka qabanno waa; In aan sii xoojinno qorshaha aan doonayno in dalkaan ay uga dhacdo doorasho loo dhan yahay, waana taas midda aan sanadkii ugu horeeyay aan xukunka joogno aan u billiwnay, si aanay u dhicin in muddada xukunka la kororsado.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddo xileedkiisa aanu ku darsan doonin hal maalin, isaga oo ka dhawaajiyay in xukun maroorsi iyo kala-talisnimo ay Soomaalidu diidday ninkii ku dayana uu yahay doqon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here