Maamulka G/Banaadir oo damiyay dab ka kacay Xamarweyne

0
726

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guuleystay daminta dab ka dhashay Koronto oo sababay dhibaato soo gaaray dhismooyin ku yaala waaxda 1-aad (Kacaan) ee Degmada Xamarweyne, iyadoona daminta dabkaasi ay ku baxday Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Guddoomiye Badma ayaa u mahadcelisay Shaqaalaha Waaxda Dab damiska Dowladda Hoose ee Xamar iyo Bulshada Degmada Xamarweyne sida ay ugu gacan geysteen daminta dabka, iyadoona xustay in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay u adeegida Shacabka Caasimadda, isla markaana ay la xisaabtami doonaan shirkadaha Korontada maadaama ay soo noq-noqotay dhibaatooyinka iyo Waxyeelada ay sababaan Korontada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here