Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Somalia, ayaa lagu ansixiyay magacaabista guddoomiyaha bangiga horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee bangiga horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Golaha wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta wasaaradda maaliyadda ee marwo Hodan Cismaan in ay noqoto guddoomiyaha bangiga horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan mudane Aadan Rooble uu noqonayo agaasimaha guud ee bangiga horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka hay’adaha aan dowliga ahayn, habraaca diiwaan-gelinta gaadiidka iyo siyaasadda Qaran ee kormeerka iyo qiimeynta.
Ugu dambeyn, Golaha wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga gudaha, iyaga oo golaha faahfaahin ka siiyey hawlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.















