Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Abdullahi Omar Adan iyo madaxda Mashruuca Biyoole ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku wareejiyay wasaaradda Xanaanada Xoolaha gaari Aambalaasa oo loogu talagalay daaweynta xoolaha miyiga fog.
Gaarigaan oo ah gaari casri ah oo nuuciisa markii ugu horeysay lakeenay deegaanada Galmudug ayaa qeyb ka qaadan doona daboolida baahiyaha caafimaad daro ee xoolaha Galmudug, isagoo leh agabyo kala duwan sida faranjiyeerka daawada lagu keydiyo, miisas, qaanado, kuraas, qeybta sheybaarka xoolha iyo qeybta faradhaqa dhaqaatiirta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha Dr Suleymaan Mohamed Saalax oo uu garab taaganaa wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ayaa la wareegay gaariga isagoo uga mahadceliyay wasaaradda Qorsheynta iyo howlwadeenada mashruuca Biyoole sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyaan wasaaradda xanaanada.













