Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Hay’adda QM u Qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR: SAWIRRO

0
158

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda qoxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxa hay’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wadahadlay xaaladda qaxootiga iyo bara-kacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii hawlaha gargaarka ee ay ka wadaan Somalia loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Mudane Xamsa Barre ayaa dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hay’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha hor-u-tabinta u leh xukuumada, isagoo intaa raaciyay in loo diyaargaroobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.

Ugu dambeyn, Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hay’adaha kala duwan ee DFS, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here