Waddada Maka-Almukarama oo ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka caasimadda ayaa waxaa maanta si wadajir ah olola nadaafadeed oo ballaraan ka fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa ciidanka qaybta guud ee nabadgalyada wadooyinka iyo maamulada degmoyinka Hodan. Howlwadaag, Waabari iyo Wadajir.
Ololahan nadaafadeed waxaa barbar socday wacyigalin iyo digniina la xariira ilaalinta bilicda magaalada iyo hirgelinta xeerka nabadgalyada waddooyinka, iyada oo uu goobjoog ka ahaa taliyaha qaybta guud ee nabadgalyada waddooyinka ee cuidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. Bishaar Abshir Geeddi.
Guddoomiyaha Degmada Hodan, Mudane Cali Fahle oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ololahan uu yahay mid si joogta ah uga socda degmada.
Ugu dambeyn, Agaasimaha guud ee nadaafada iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Suudi ayaa ugu digay ganacsatada ku ganacsada hareeraha waddooyinka in ay qayb ka noqdaan nadaafad-darrada.











































