Qiyaastii 63% carruurta Somalia ama laba ka mid ah saddexdii carruur ah, ayaa la kulmay saboolnimo daran oo dhanka cunada ah oo ay ugu wacan tahay, colaado, sinnaan la’aan iyo isbeddelka cimilada, iyada oo 50% ay aad ugu dhawdahay inay la kulmaan nafaqa-darro noloshooda halis gelinaysa. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda UNICEF.
Warbixinta, cunnada la’aanta carruurta, nafaqo-yarida ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay saamaynta saboolnimo, taasoo ay sababtay cunto la’aanta ka jirta 100 dal oo adduunka ku yaalla, kuwaas oo Somalia ay kaga jirto 20-ka ugu horreeya, taas oo ah saddex meelood laba meel tirada guud ee carruurta ku nool, cunto la’aan daran.
181 milyan oo carruur ah oo ku nool faqri cunto oo ba’an adduunka, 65% waxay ku nool yihiin 20 waddan oo keliya, oo ay ku jirto Somalia, halkaas oo ah in ka badan 80% dadka gacanta ku haya carruurta ay sheegeen in ilmahoodu aanay u awoodin inuu wax cuno maalin dhan.
Si loo dardar-geliyo tallaabooyinka looga hortagayo saboolnimada iyo nafaqo-xumada daran ee cunnada carruurta, sanduuqa nafaqeynta carruurta ee (CNF) ayaa sannadkii hore lagu daah-furay shirkii sugnaanta cunnada adduunka ee ka dhacay magaalada London, kaasoo uu marti-geliyay Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa hogaaminaya UNICEF, iyadoo taageero ka heleysa xafiiska barwaaqo-sooranka iyo horumarinta UK.
Ugu dambeyn, UNICEF waxa ay ugu baaqaysaa dawladaha, horumarinta iyo ururada samafalka, deeq-bixiyeyaasha, bulshada rayidka ah iyo warshadaha cuntada iyo cabitaanka in ay si degdeg ah u soo afjaraan saboolnimada iyo nafaqo-xumada ba’an ee cuntada carruurta.














