MADAXWEYNE XASAN: Al-shabaab ma jirto cid ay ixsaan u sameynayaan: DAAWO

0
316

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha culummada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghaya guud ee golaha sare ee culummada Soomaaliyeed, Aweys Cabdi Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirku uu yahay mid uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka ujeedka shirkuna yahay inayculummada Soomaliyeed caddeeyaan waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lala dagaallamo Khawaarijta iyo xukunkooda.

Muddada uu shirku socdo qodobbada looga hadli doono waxaa ka mid ah doorka culummada Soomaaliyeed ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa saddex qodob oo kala ah:

  1. Sharciyad ka qaadista Al-shabaab: sixidda fahamak saxda ah ee diinta Islaamka,
  2. Sharciyad siinta dowladda: xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah.
  3. Dhisidda golaha sare ee culummada Soomaaliyeed: muhiimadiisa iyo sharciyeyntiisa.

Khudbaddii furitaanka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ka jeediyay furitaanka shirka culummada ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan, isagoo ku baaqay in badbaada dalka laga wada qaybqaato.

“Waxaan u baahannahay in dhagaha dadka Soomaaliyeed ay maqlaan waxa diinta Islaamku ka qabto dagaalka aan Khawaarijta kula jirno, waana in laga dhigo ajandaha koowaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne waxa uu intaas ku daray: “In jaamacadaheena iyo iskuulladeenu guryaha ugu qurxoon ku yaalaan dugsi Qur’aankeenuna jidka ku dhex-yaallo sax ma ahan, diinta dadkaa leh laakiin dowladda mas’uuliyadda ka saaran waa inay ilaaliso.”

“Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa,” ayuu madaxweyne hadalkiisa raaciyay.

Furitaankii shirka waxaa ka qaybgalay culummo ka kala yimid daafaha caalamka iyo gudaha dalka, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa furitaanka shirka mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here