Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa degmada Gubadleey ka dhagax-dhigay dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cusmaan Xiddig oo noqon doonna dugsi waxbarasho oo u gaar ah gabdhaha.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay tayeynta, horumarinta iyo ballaarinta goobaha waxbarashada, gaar ahaan in la dhiirri-geliyo waxbarashada gabdhaha maadaama haweenka ay yihiin laf-dhabarka bulshada, isaga oo uga mahadceliyay bulshada degmada Gubadleey Isku-tashiga iyo is-xilqaanka ay hormuudka ugu yihiin horumarinta adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si ay joogto u noqdaan horumarrada dawladnimo wuxuu shacabka ugu baaqay in ay u dareeraan goobaha is-diiwaan-gelinta si ay fursad ugu helaan in ay soo doortaan hogaankooda.
“Gacantiina iyo codkiina ku ciil baxa, maayarka iyo guddoomiyaha idin xukumi doona soo doorta,” ayuu yiri guddoomiye Xasan Muungaab oo bulshada ugu baaqay garab-istaaga dowladda iyo in laga wada-shaqeeyo amniga iyo horumarka.














































