Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan sanad-guurada 71-aad ee maalinta Calanka Soomaaliyeed.
Dr. Muungaab ayaa sheegay in maalinta 12-ka Oktoobar ay qiimo weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhammaan shacabka ugu baaqay in ay adkeeyaan wadajirka iyo midnimada dalka.
“Naqshadda Calankeenna buluugga ah ee Xiddigta Cad bartanka ku leh, ma aha midabyo qurux oo qura ku xardhan, balse waxa ay xambaarsan tahay: himilooyinkii jiilal badan ee u halgamay Gobannimada iyo Midnimada Soomaaliya” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
“Anigoo metelaya shacabka ku nool Muqdisho, caasimadda umadda Soomaaliyeed, waxa aan leeyahay: Maalintan waa in ay na xasuusisaa muhiimadda ay leedahay Midnimada, Wadajirka, iyo Ilaalinta Astaanta Qarannimo” ayuu hadalkiisa raaciyay Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.













