Dalxiisayaal Ajnabi ah oo ku soo qulqulaya Muqdisho

0
113

Daliixayaasha ajnebiga ayaa ku soo qulqulaya Muqdisho, iyagoo raba in ay soo arkaan goobaha caanka ah.

Sannadkii 2024-kii waxaa dalka yimid 10,000 oo qof oo ah dalxiisayaal ah, kuwaasoo ka kala yimid dunidda oo dhan iyadoo la filayo sannadkan 2025ka in ay labo jibaarmaan, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa xusay in dalxiisayaasha ugu badan ee dalka yimid in ay ka socdeen dalalka Shiinaha, Mareykanka iyo Turkiga.

Dadka soo booqday waxaa ka mid ah Sheryl iyo Richard, waa lamaane u dhashay dalka Maraykanka, kuwasoo ka mid ahaa dalxiisayaal lugeynayay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

“Waxaan u maleynayaa inaanan qoyskeyga u sheegin halka aan u socdo sida saxda ah,” ayay tiri Sheryl oo u warrantay wakaaladda wararka Denmark, kadib socod ay xeebta Liido ku martay. Waxay intaas ku dartay, “Laga soo billaabo markii aan diyaaradda ka soo degnay, waxaan dareemayay ammaan. Sida wax loo sheego iyo sida ay yihiin way kala duwan yihiin.”

Xeebta Liido waxa ay ka mid tahay meelaha sida wayn loo dalxiis tego maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, waxaa lagu arkaa carruur ku dabaalanaysa badda buluugga ah, ganacsato wax ku iibinaya xeebaha ciidda cad leh, iyo doonyo ay rakaab ka buuxaan oo maraya xeebta.

Meelaha kale ee ajaaniibta iyo Soomaali badan ay tagaan waxaa ka mid ah deegaanka Jazeera, oo qiyaastii 20 kiiloomitir (12 mayl) dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho, goobtan ayaa soo jiidatay dadweyne aad u fara badan, waxaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha lagu arkaa qoysas carruurtooda wata, iyo dad u badan dhallinyaro si ay ugu nastaan uguna sheekeestaan.

Dad badan ayaa marka ay arkaan h muuqaallada laga soo duubo xeebta liido durba xasuusiya jasiiradaha kulaalayaasha ah ee Yurub ama magaalooyinka dalxiiska ee ku yaalla Faransiiska, balse akhristow ogow halkan waa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarada ka dhaca dalka ay hoos u dhaceen 86% tan iyo sanadkii 2023-kii, waxaana sababta ay ku sheegtay iyadoo la kordhiyay kaamirooyinka ilaalada (CCTV) ee la suray waddooyinka, baraha koontaroolada, iyo ciidmada dharcadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here