Madaxweyne Xasan Sheekh oo Meel Sare ka galay Madaxda ugu aqoonta badan Qaaradda Afrika

0
373

Warbixin ay daabacday shabakad caalami ah ayaa lagu baahiyay hoggaamiyeyaasha ugu aqoonta badan Qaaradda Afrika, waxaana kaalimaha hore uga jira madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku jira kaalinta saddexaad, waxaana madaxda uu ka horreeya ka mid ah; Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, madaxweynaha Rwanda, Paul Kigame iyo madaxweynaha dalka Tanzania, Samia Suluhu.

Haddaba, sida ay u kala horreeya madaxda Qaaradda Afrika ugu aqoonta badan ayaa waxay tahay sidan:

1. William Ruto, madaxweynaha dalka Kenya ayaa noqday madaxweynaha ugu aqoonta badan hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika, waxaana dalkiisu uu u muuqdaa dhaqaale ahaan mid kobcaya.

2. Mohammed VI, boqorka dalka Morocco oo ka mid dalalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda, kama mid ah dalalka Carbeed ee aadka u horumarsan.

3. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, isaga oo hormuud u noqday in Soomaaliya ay dib u soo ceshato kaalintii ay uga jirtay caalamka, kaddib in ka badan soddon sano oo colaado ah.

4. Alassane Quatara, Madaxweynaha dalka Ivory Coast oo ka mid ah dalalka Afrika ee hiigsanaya dhinaca horumarka, maadaama uu soo maray sanado badan oo colaado ah.

5. Nana Akufo Addo, Madaxweynaha dalka Gaana oo ka mid ah dalalka sida xawliga ah ay ku socdaan kororkooda dhaqaale iyo midkooda bulsho.

6. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ku yaalla ee xaaladiisa dhaqaale ay aad u hooseyso xilligaan.

7. Lazarus Chakwara, Madaxweynaha dalka Malawi oo ka mid ah dalalka sida aadka ah uu kor ugu socdo dhaqaalahooda.

8. Cyril Ramaphosa, Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka ugu horreeya Qaaradda Afrika.

9. Samia Suluhu, Madaxweynaha dalka Tanzania, waana haweyneydii ugu horreysay oo madaxweyne ka noqota dalka Tanzania.

10. Paul Kagame, madaxweynaha dalka Rwanda oo ka mid ah dalalka ugu horreeya xagga koboca dhaqaalaha qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here