War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sirdoonka Somalia iyo Saaxiibada Caalamka ay horjoogayaal ka tirsan Khawaarta ku dileen howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidamada isbahaysanaya ka fuliyeen deegaanka Buurweyn oo 23-km Waqooyi-galbeed kaga xiga degmada Jalalaqsi.
Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad-joogeen sirdoonka Soomaaliya, kuwaasoo saarnaa gaari uu leeyahay horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha malleeshiyada ay Khawaarijta ugu yeeraan xisbada ee gobalka Hiiraan, waxa uuna xilligaas gaarigu taagnaa meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo Khawaarij ka tirsan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu dilay hawlgalkaan horjoogihii caafimaadka ee Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Anas oo ahaa horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa howlgalkan lagu dqaarijiyay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.
Sidoo kale, Hawlgalkan oo dhacay gellinkii dambe ee Talaadada Maanta ah, ayaa waxaa wali socda qiimeynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkan.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaiya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibbada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxaana dowladdu mar kale uga mahad-celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.













