Laacibkii Barca iyo Inter Milan oo geeriyooday iyo PSG oo heshiis la gashay Lucas Hernandez

0
478

Laacibkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Inter Milan Luis Suarez, oo ahaa ciyaaryahanka kaliya ee u dhashay Spain ee ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa geeriyooday isaga oo 88 jir ah, sida ay sheeciyeen labada kooxood.

Suarez, oo ku biiray Barca 1955, ayaa ku guuleystay Ballon d’Or, oo abaal marinta ugu qiimaha badan kubadad cagta ee ciyaaryahan la guddoonsiiyo, kadib markii uu la qaaday horyaal iyo koob laba jeer ah kooxda Catalan sannadkii 1959.

Waxa uu sidoo kale 32 kulan u saftay Spain, waxaana uu ka mid ahaa kooxdii ku guuleysatay Koobka Qaramada Yurub 1964kii.

Suarez ayaa ku biiray Inter 1961dii, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo Seri A ah, labo koob oo Yurub ah iyo labo koob oo Intercontinental Cup sagaalkii sano ee uu joogay Milan.

Kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha sannadkii 1973, Suárez wuxuu sii waday inuu tababare u noqdo Inter, Deportivo La Coruña, Cagliari iyo SPAL.

Dhanka kale, Kooxda Paris St Germain ayaa heshiis shan sano ah lasoo saxiixatay daafaca waddanka Faransiiska iyo kooxda Bayern Munich Lucas Hernandez, sida ay shgeegtay kooxda heysata horyaalka Ligue 1 Axadii.

Lacagta lagu kala wareegayo 27-jirkan ayaan la shaacin, balse warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay in PSG ay Bayern siisay lacag dhan 40 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 43.87 milyan oo doollar.

“Runtii aad ayaan u faraxsanahay! Waxaan sugayay inaan ku biiro PSG muddo dheer, ugu dambeyntiina way dhacday, waxay ii tahay maalin khaas ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo,” ayuu Hernandez ku yiri hadal uu soo saaray.

Hernandez, oo ah saxiixii shanaad ee cusub ee PSG, waxaana ka horreyay khadka dhexe Manuel Ugarte iyo Lee Kang-in, daafaca dhexe ee Milan Skriniar iyo weeraryahan Marco Asensio.

Ugu dambeyn, Kooxda PSG ayaa Arbacadii ceyrisay tababare Christophe Galtier, waxaana lagu bedelay tababarihii hore ee Barcelona iyo Spain Luis Enrique.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here