Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka Qayb-galay Shirka 21-aad ee iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Gobolka: SAWIRRO

0
225

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qayb-galay shirka 21-aad ee iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika, xilli magaalada Nairobi ee dalka Kwnya uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee bangiga horumarinta Afrika.

Shirkan qodobbada diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah:

1. Dib-u-eegista iyo qiimeynta mashaariicda socda laga soo billaabo 2019-kii oo ay maal-gelinayaan dhamaan deeq bixiyayaasha caalamka.

2. Nidaamka wada-shaqaynta xududuudaha iyada oo warbixin laga dhagaystay khuburo loo xilsaaray arinkaas, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada-shaqeynya Xuduudaha sanadii 2023-kii.

3. ⁠Madasha waxaa ku soo biiray deeq-bixiyeyaal cusub oo maal-galin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa diiradda saaray muhiimadda ay u leedahay dhaqaalaha Somalia isku-xirka dalalka gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadaysa wax-soosaarka gudaha iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxa ay ka filaysaa natiijo dhaqaale oo sarreysa marka ay hirgalaan qorshayaasha madashaan iskaashi ee dalalka Geeska Afrika oo hadda meel wanaagsan maraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here