Ra’iisul Wasaare Xamsa: Waxaa la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray: SAWIRRO

0
279

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimo ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here